Puntland go’aan culus ka qaadatay shirka Jabuuti ee Soomaaliya iyo Somaliland

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo khudbad ka jeedinayey furitaanka kalfadhiga 46-aad ee baarlamaanka maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo ku aadan shirka ka socda Jabuuti.

Cabdirashiid Yuusuf ayaa sheegay in Puntland aysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo ka soo baxda shirkaasi, maadaama aan laga qeyb-gelin, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in madaxweynaha Soomaaliya uu la shiro koox uu ku sheegay inay yihiin gooni u goosad.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa intaasi ku daray in shirkaasi laga leeyahay dano siyaasadeed, islamarkaana aan laga sameyn wadatashi guud.

Ugu dmabeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan go’aamada la gaaro aysan aqabali doonaan bulshada ku dhaqan Sool, Sanaag iyo Cayn ee waqooyiga Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo horey madaxweyne Siciid Cabdullaah Maxamed (Deni) oo si adag uga hadlay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, kana horyimid sida loo qorsheeyey shirka ballaaran ee haatan ka socda dalka jamhuuriyadda Jabuuti.