War-murtiyeed kale oo laga soo saaray shirka Jabuuti kadib markii DF oo diiday war-murtiyeedkii hore

Jabuuti (Caasimada Online) – War-murtiyeed labaad ayaa laga soo saaray wada-hadalladii Jabuuti ee dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland kadib markii dowladda Soomaaliya ay diiday war-murtiyeedkii hore oo ay ku sheegtay inuu ahaa qabyo qoraal, si qaldan lagu sii daayey.

Sida aan xogta ku helnay, dowladda ayaa ka hor-timid ereyo dhowr ah oo ku qoran war-murtiyeedka hore, taasi oo wax u dhimeysa madax-banaanida dalka. Ereyadaas ayaa waxaa ka mid labada dal, labada shacab, iyo Soomaaliya iyo Somaliland, iyo arrimo kale.

War-saxaafadeedka ayaa ahaa mid sax ah oo aan la been abuurin, waxaana saaran shaabadda wasaaradda arrimaha dibedda Jabuuti, hase yeeshee agaasimaha warfaafinta Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa Caasimada Online u sheegay in la baahiyey ayada oo aysan ogolaan dowladda Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma cadda sida qoraalka ku baahay, iyo cidda ka dambeysa in ayada oo dowladda federaalka aysan ogolaan la baahiyo. Si kastaba, wasaaradda arrimaha dibedda maamulka Somaliland ayaa war-murtiyeedkaas soo dhigtay barteeda twitter-ka, taasi oo muujineysa inay ku qanacsan tahay.

Ilo-wareedo ku sugan Jabuuti kana mid ah wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay inay rumeysan yihiin in arrintan ay ka dambeeyaan xubno ka mid ah dowladda Jabuuti oo si hoose ula shaqeynaya Somaliland.

Waxaa hadda lasoo saaray war-murtiyeed labaad oo laga reebay erayga labada dal, inkasta oo ereyadii kale ay sidooa ugu qoran yihiin.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ay isla garteen in la aas-aaso guddi farsamo oo ka kooban xubnaha wufuudda labada dhinac, si ay usii wadaan wada-hadallada. Kulamada guddigan ayaa la isku raacan inay ka dhacaan Jabuuti.

Waxaa sidoo kale la isla gartay in wada-hadallada labada dhinac ay lagu sii ambaqaado arrimaha taagan ee labada dhinac ay horey isugu raaceen.

War-mutiyeedka ayaa imanaya ayada oo goor sii horreysay guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, oo ka mid ah wafdiga Somaliland, uu sheegay in wax natiijo ah aan maanta laga gaarin wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland uga furmay Jabuuti, islamarkaana lagu kala tegay.

Guddoomiye Saleebaan oo la hadlay TV-ga Horn Cable ayaa sheegay in ka Somaliland ahaan ay dalbadeen in Soomaaliya ay fuliso ballamihii la galay ilaa afar jeer oo horay ay isusoo hor fariisteen dhinacyadu, ayada oo aanay taas dhicinna aan lasii wada-hadli karin. Halkan ka aqriso warbixintaas.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka