Senataro taageersan Villa Somalia oo kulankii Aqalka Sare ee maanta bannaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta baaqday kulankii golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii ay carqaladeeyeen xubno ka tirsan golaha oo taageersan Villa Somalia, kuwaas oo ku dooday in aysan shirci aheyn qaabka loo qaban rabay shirkaas.

Shirka golaha oo qorshuhu ahaa in lagu qabto aaladda Zoomka ayaa ajendihiisu waxa uu ahaa wax-kabedelka xeer hoosaadka golaha Aqalka Sare, balse waxaa is hortaag ku sameeyey inuu qabsoomo dhowr senetor.

Xubnaha kasoo hor jeestay in kulanka golaha lagu qabto aalladda Zoomka waxaa kamid ah Senetor Fartuun Cabdulqaadir Faarax iyo Senetor Ayuub Cismaaciil Yuusuf oo la aaminsan yahay inay ku xiran yihiin Villa Somalia.

Senetor Fartuun ayaa sheegtay in xeer hoosaadka golaha aysan ku jirin in Zoom lagu qabto kulanka golaha, isla markaana lasoo geliyo senetarro dalka ka maqan.

Dhankiisa Senator Ayuub ayaa sheegay in Aqalka Sare aysan afduuba karin koox yar , sida uu hadalka u dhigay, isla markaana ay horay guddoonka golaha ugala hadleen in la wada dhowro xeer hoosaadka.

“Labada Aqal waxay horay u meel mariyeen in uu hor yimaado guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka,  waxaa noo soo baxday in la carqaladeyn rabo dhameystirka xeerarkaas, waxaan fareynaa guddoonka golaha inay sida ugu dhaqsiyaha badan kalfadhiga golaha u qabtaan” ayuu yiri Senetor Ayuub.

Senator Ayuub ayaa sidoo kale sheegay inay lama huraan tahay in kulamada labada gole ay noqdaan kuwo u dhaca si wadajir ah, taas oo ah sida ay dooneyso Villa Somalia, halka guddoomiyaha Aqalka Sare iyo inta badan Senatorraduna ay doonayaan in kulamadu ahaadaan sidii hore.

Villa Somalia ayaa sida muuqata dagaalkeedii u weecisay kala dhantaalidda golaha Aqalka Sare, waxuuna dagaalkan cusub soo if-baxay markii uu guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi shir wadatashi ah ugu yeeray madaxda dowaldda federaalka iyo maamul goboledyada dalka, kaas oo dhaca ka hor warbixinta laga sugayo guddiga doorashooyinka.