R/Wasaare CCC oo Axmed Madoobe la kulmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa kulamo gaargaar ah la qaatay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Kulamada oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlayay dadaalo muddooyinkii ugu dambeeyay uu waday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid oo lagu dhameynayay khilaafka u dhaxeeya Axmed Madoobe iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Gedo.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Siyaasi Maxamuud Sayid Aadan iyo Maxamuud Aw- Libaax kuwaasi oo maalmahaanba kulamo kala duwan la qaadanayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid.

Maxamuud Sayid Aadan iyo Aw-libaax ayaa kulamada ay la qaadanayeen ra’iisul wasaaraha waxaa laga soo saaray in Axmed Madoobe uu kasoo qeyb galo kulamada si dowlada Soomaaliya ay goobjoog kaga ahaato wadahadalada u dhaxeeyo maamulka Jubbaland iyo siyaasiyiinta kasoo jeedo Gedo.

Axmed Madoobe ayaa laga dhaadhicinayaa inuu hishiis dowlada Soomaaliya marqaati ka tahay uu la galaa siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com