Ra’iisul wasaare Khayre oo ciidda aawgeed hal arrin ka dalbaday Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda maalinta 1-aad ee Ciidul-Fidriga ayaa ka hadlay arrimo ku aadan cudurka Covid-19.

Ugu horreyn Khayre ayaa sheegay inuu si ballaaran ugu mahadcelinayo dhaqaatiirta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa safka hore uga jira la-dagaalanka Coronavirus.

“Waxaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyaynayaa maalinta ciidda ah. waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliyeed hortooda uga mahad celiyo dadka Soomaaliyeed ee habeen iyo maalin taagnaa sida dhibaatadu usoo billaabatay. Waxaa ugu horrreeya wasaaradda caafimaadka iyo dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee u taagnaa inay dad Sooomaaliyeed badbaadiyaan, aan arkin qoysaskooda aan arkin caruurtooda, ee go’aansaday inay safka hore ka galaan dagaal lamid ah dagaalka xabbadda la’isu dhigo.” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Khayre.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Anigoo ku hadlaya magaca xukuumadda, waxaan leeyahay mahad iyo sharaf ayaad ummadda Soomaaliyeed usoo jiideen. Abaal ayaa ummadda Soomaaliyeed idiin heysaa horumar ayaad gaarteen inta idiin dhimanna waxaan leeyahay dhammeystira”.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha ayaa dadka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay guryahooda ku Ciidaan, si looga hortago inuu sii fido cudurka saf-marka ah ee Coronavirus

Ugu dambeyn wuxuu shacabka xasuusiyey inay feejignaan dheeri ah la yimaadaan, islamarkaana ku dhaqmaan talooyinka caafimaad, qofkii awoodana uu gurigiisa ku Ciideysto.