Madeira oo heshiiskii Axmed Madoobe iyo mucaaradkiisa ku qeexay ‘heshiis qabiil’

New York (Caasimada Online) – Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa howl-galka Amisom, Francisco Madeira ayaa heshiiskii uu Axmed Madoobe la gaaray qaar ka mid ah xubnihii kasoo horjeeday ku qeexay “heshiis hoosaad qabiil.”

“Jublanad, waxaan la soconnaa in isbeddelo ay ka jireen dhowaan, ayada oo hogaamiyaha Jubaland iyo xubnaha mucaaradka beesha Ogaadeen ay gaareen heshiis la isku aqoonsaday waxna lagu wada wadaagay,” ayuu Madeira ku yiri hadal uu ka jeediyey kulankii Golaha Ammaanka ee Arrimaha Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa 23-kii April waxa uu Nairobi ku heshiiyey Cabdinaasir Seeraar Maax, Cabdirashiid Xidig iyo Daahir Axmed Sheekh oo dhammaantood ay isku beel yihiin, kuwaas oo u aqoonsaday madaxweynaha Jubaland, kana haray sheegashadoodii xilkaas.

Madeira ayaa sheegay in Axmed Madoobe looga baahan yahay inuu la heshiiyo beelaha kale.

“Waxaan ku adkeysaneynaa baahida loo qaba in horey loo sii socdo, islamarkaana la xaqiijiyo in dhammaan beelaha ay isku yimaadaan, si Jubaland u hesho xal siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bulsho oo waara,” ayuu yiri.

Si kastaba, fikir ka duwan kan Madeira ayaa waxaa kulanka ka jeediyey ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo si weyn u booriyey heshiiska.

“Waxaa aad noo dhiiri-geliyey horumarkii dhowaan laga sameeyey wada-hadallada iyo dib u heshiisiinta qaar ka mid ah maamul goboleedyada, sida Jubaland, halkaasi oo siyaasiyiintii xifaaltanka uu ka dhaxeeyey ay isku raaceen inay wada-shaqeeyaan oo ay raadiyaan dib u heshiisiin dheeraad ah,” ayuu yiri.

Swan ayaa horey sidoo kale ugu booriyey heshiiska dhinacyada Jubaland, waxyar kadib markii lagu saxiixay Nairobi, 23-kii April.