Soomaaliya, Sacuudiga iyo dalal kale oo shaaciyey in Ciiddu ay tahay Axadda

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya, Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay in maalinta Ciidda ay tahay Axadda, 24-ka May, kadib markii dadaal dheer kadib caawa la waayey bisha Shawaal.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta Sacuudiga iyo dalal kale oo Islaami ah ayaa ku dhowaaqay in Axadda ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga.

Dalka Sacuudiga, dadaal dheer oo loo galay in bisha Shawaal la arko caawa ayaan la guuleysan, waxaana mas’uuliyiintu sheegeen in 30-ka Ramadan la dhameystirayo maalinta Sabtida ah.

Sidoo kale, xarumaha Saadaasha Hawada ee dalalka Indonesia iyo Malaysia ayaa si rasmi ah u sheegay inaysan helin bisha taas oo macnaheedu yahay in Axadda ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga.

Sidoo kale, warbixino laga helay Turkiga ayaa sheegaya inaan bisha laga arag, islamarkaana lagu dhowaaqay in maalinta koowaad ee Ciidda ay tahay Axadda, 24-ka May.

Guddiga Aragga Bisha ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dalka Qatar ayaa Iyana sheegay in Axadda ay tahay maalinta koowaad ee Ciidda, kadib markii caawa la waayey bisha.