Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Cabdi Xaashi oo kulan ku leh magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa haatan kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula leh guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Kulankan oo ah mid ay albaada u xiran yihiin ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda dalka, gaar ahaan dooda ka taagan soo xulista xubnaha ka imaanaya gobollada waqooyi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulankan, kadib uu guddoomiyaha Aqalka Sare qaban doono shir jaraa’id oo uu kaga warbixin doono kulanka uu haatan la leeyahay Rooble.

Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa inay gaareen is-afgarad ku saabsan arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan tan xubnaha gobollada waqooyi ama Somaliland.

Kulanka ayaa sidoo kale daba socda warqad kasoo baxday xubnaha garabka Cabdi Xaashi oo lagu sheegay in ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka uu weli diidan yahay hab qeybsiga dhismaha doorashada ee xubnaha Somaliland ku metalaya dowladda cusub ee soo socota, inkastoo eedeyntaas uu iska fogeeyey Mahdi Guuleed oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warqadda soo baxday.

Arrintan ayaa muujineyso khilaaf hor leh oo soo kala dhex-galay labada garab xubnaha gobollada waqooyi ee ay kala hoggaaminayaan Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, waxaana haatan socda dadaallo uu wado ra’iisul wasaaraha oo xal waara looga gaarayo khilaafkaasi.

Doodan cusub ayaa kusoo aadeysa, xilli haatan magaalada Muqdisho uu ka socdo shirka doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka, kaas oo go’aan rasmi ah looga gaarayo is mari-waaga ka taagan hanaanka doorashooyinka.

Si kastaba Soomaaliya ayaa wajaheyso xaalad adag oo ka dhalatay marxaladda kala guurka ah, waxaana xiisaddu ay kasii dartay markii uu dhammaaday muddo xileedka dowladda Soomaaliya, iyadoo aanan xal loo helin khilaafka ka taagan doorashada 2021.