Culimada Soomaaliyeed oo afar qodob kasoo saaray shirka doorashooyinka dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada Soomalaiyeed ayaa maanta bayaan ka kooban afar qodob kasoo saaray shirka wada-tashiga qaran ee haatan magaalada Muqdisho uga socdo madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Kulan ay isugu yimaadeen Majmaca hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa si gaar ah waxay farriin ugu direen hoggaamiyeesha Soomaaliya ee ku shirsan Teendhada Afisyoone, si go’aan rasmi ah looga soo saaro is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka.

Ugu horreyn Hay’adda Culimada ayaa soo dhoweysay qabashada shirkan, waxayna ku boorisay Rooble iyo madax goboleedyada inay ka dhabeeyaan wada-hadalladooda.

Sidoo kale culimada Soomaaliyeed ayaa bayaankooda ku sheegay in loo baahan yahay in la dhowro xasiliinida dalka, gaar ahaan amniga qaranka.

Baaqa hay’ada Culimada ayaa sidoo kale looga dalbaday bulshada Soomaaliyeed inay sii wadaan garab istaagga ay u muujiyeen shirka xal ka gaarista ee ka socdo Muqdisho.

Halkan hoose ka aqriso:-

1: Waxaay Culimada soo dhaweeynayaan Shirka Arrimaha doorashooyinka ee ka socda Muqdisho ee uu horay u iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxayna Alle ka baryeen in Shirka uu guuleysto.

2: Hay’adda Culimada Soomaaliyeed waxay is xasuusinayaan ammaanada cirka iyo dhulka iyo Buuraha diideen ee rabi u dhiibay siyaasiyiinta Soomaaliyeed loogana baahan yahay inay dhowraan.

3: Waxay adkeeynayaan Culimada in go’aanka doorashada lagu saleeyo Diinta Islaamka sida Cadaalada hufnaanta lagana fogeeyo dhamaan nuuc kasta uu yahay dulmiga iyo musuq maasuqa.

4: Waxaay ugu baaqeynaa Umadda Soomaaliyeed Midnimo, waxaana u mahad celinayaan cid kasta oo gacan ka geeysatay hirgelinta iyo qabsoomida Shirka looga hadlayo Arrimaha doorashada Soomaaliya.