DF Soomaaliya oo ‘dhibsatay’ magaca Teendhada Afisyoone

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sharraxaad ka bixiyey ereyga ‘Teendhada Afisyoone’ oo beryihii dambe ay si weyn u adeegsaneysay warbaahinta, maadaama uu ka socdo shirka wada-tashiga ee arrimaha doorashooyinka.

Macalimuu oo qoraalkiisa ay ka muuaqatay in xukuumadda Soomaaliya ay ‘dhibsatay’ magacaasi ayaa sheegay in Afisyoone aysan aheyn Teendho, ayna tahay xarunta ciidamada Cirka Soomaaliya oo ah garoon ay ka duuli jireen diyaaradihii ay lahaayeen ciidanka cirka.

“Teendhada Afisyoone “Malab marka la doonayo in la magac xumeeyo ,shinnada xaarkeeda waa la oran karaa. Afisyoone ,waa xarunta Ciidamada Cirka Soomaaliya,ma ahan teendho . Waa garoonka ay ka haadi jireen diyaaradaha Ciidamada Cirka Soomaaliya oo soo shaqeynayay tan iyo xilligii gumeystaha,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Afhayeen Macalimuu.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey ” Ereyga Aviazione asalkiisu waa Talyaani la Soomaaliyeeyay kaas oo la micno ah ereyga (Duulista ) ama ereyga English-ka ee Aviation.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa farriin la xiriirta Afisyoone u diray wariyeyaasha Soomaaliyeed, isaga oo tusaale usoo qaatay Suxufiyiin Ajaaniib ah oo dalka yimid xilligii dagaallada Sokeeye, kuwaas oo uu sheegay inay Muqdisho u kala qeybiyeen koonfur iyo waqooyi.

“Berrigii ay horraantii 90aadka ee dagaalada sokeeye Xamar ka socdeen ayaa wariayyaal ajnabi ah oo aan Muqdisho Juquraafi ahaan aan garaneyn waxa ay Muqdisho u kala qeybiyeen Koofur iyo Waqooyi  iyaga oo ula jeeday in KM5 ay tahay Koofur ,Kaaraanna ay tahay Waqooyi . Is weydii adigu ma saxan tahay taasi? Taa waxaa hadda la mid ah teendhada Afisyoone,” ayuu markale qoraalkiisa ku yiri Maxamed Ibraahim Macalimu.

Si kastaba, ereyga Teendhada ayaa adeegsigiisu aad u batay sanadihii dambe, maadaama Teendho yar oo ku dhex taalla xerada Afisyoone lagu qabtay doorashadii madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Farmaajo, hadana uu ka socda shirka doorashooyinka.