Xog: Ciidankii ay DF geysay Gedo oo gadood sameeyey iyo arrin ay dalbanayaan

Beled-Xaawo (Caasimadda Online) – Gobolka Gedo ayaa waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay ciidamadii Dowladda Soomaaliya ay geysay Gobolkaas oo codsanayo in dib loogu celiyo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya oo markii hore laga keenay.

Ciidamada ayaa sheegay inaysan ku noolan karin gobolkan oo xaaladdiisa nololeed ay adag tahay, islamarkaana aan u horumarsaneyn sida magaalada Muqdisho. Waxa sidoo kale sheegeen ay intaas ka badan ka maqnaan karin qoysaskooda, sidaas darteed ay lagama maarmaan tahay in dib loo celiyo, taasoo kentay khilaaf xoog leh oo soo kala dhex galay saraakiisha hoggamineyso ciidamadaas.

Sidoo kale ciidamadii Cabdirashiid Janan oo ku sugan magaalada Beled-Xaawo ayaa ayagana wado gadood, waxayna taas keentay in gorgorton cusub lala galo, waxayna wararka sheegayaan inay dalbadeyn xuquuq iyo in la siiyo taliyeyaal.

Dowladda Soomaaliya oo diidan inay ku fashilmato qorshihi ay ciidamadaas markii hore u geysay Gobolkaas ayaa shalay wafdi u dirtay Gedo, gaar ahaan Magaalada Beled Xaawo si loo xaliyo tabashada ciidamada gadoodsan.

Wafdiga ay Dowladda Soomaaliya u dirtay Beled-Xaawo ayaa waxaa hoggaaminayo Taliye Xigeenka Ciidanka Dhulka Ee Xoogga Dalka General Xuseen Xoosh Cali, sidoo kalana waxaa wafdiga kamid ah Taliyaha Ciidamada Gorgor Gaashaanle Dayax Cabdi Cabdulle Iyo Sarakiil Kale.

Taliyaha Iyo Wafdigiisa ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Degmada Baladxaawo Abaanduulaha Guutada 10-Aad Gashaanle Dhexe Cismaan Sheikh Cabdi Qorax, Taliyaha Hay,adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Gobolka Gedo, Taliyaha howlgalinta ciidamada Nisa ee Gobolka Gedo iyo Saraakiil kale.

Degmada Balad-xaawo ayaa waxaa ku sugan Ciidamada Qalabka Sida, sida Militariga gaar ahaan Guutada 10-Aad, Guutada Ciidamada Kumaandoosta Gorgor, Ururka 2-aad ee  Ciidamada Police-ka iyo kuwa Nabad-sugida oo dhamaantood si wada jir ah uga wada Hawlgala Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.