Madaxweyne Farmaajo ma kusoo biiri doonaa shirka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka doorashooyinka ee ka socda Muqdisho ayaa waxaa markii ugu horreysay ka maqan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, mana cadda illaa iyo hadda inuu dib ugu soo biiri doono iyo in kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Farmaajo uusan shirkan kusoo biiri doonin, sababo la xiriira xiisadda ka dhex-oogan isaga iyo madaxda maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland, oo haddii uu kusoo biiro shirkaas dib usoo nooleyn doonta xiisaddaas.

Hase yeeshee Dr. Shariif Cismaan oo falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa BBC Somali u sheegay in weli ay suurta-gal tahay in madaxweynaha uu ka qeybgalo shirkan balse ay ku xiran tahay qaab farsamo ama sida wad-ahadalka looga shaqeeyo.”

“Haddii ay noqoto in madaxweynaha uu ka soo qeybgalo waxay u baahan tahay in arrin si farsamo ah looga shaqeeyay ay noqoto,” ayuu yiri.

Farmaajo ayaa horey u sheegay in howlaha shaqo ee doorashada uu ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble, kadib khilaafyo soo noqnoqday oo sababay dib u dhaca doorashadii baarlamaanka iyo tii madaxweynaha.

Sidaas darteed, Ra’iisul Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadda guddoominaya shirka hadda ka socdo magaalada Muqdisho, In kastoo ysan weli kala caddeyn sida looga gudbi karo arrimihii khilaafka sababay.

Haddaba, maaxa loo baahan yahay in la sameeyo, haddii madaxweynaha uu damco in uu ka qeybgalo shirkan?

Dr. Shariif Cusmaan wuxuu yiri: “Shirarka noocan oo kale ah, waxaa jiro arrimo loo baahan yahay in la turxaan bixiyo inta aanan loo fariisan ka hor”.

“Waxay u baahan tahay in laga wadahadlo lana diyaariyo siyaabaha ay suurtagalka u tahay iyadoo aanay wax xasaasiyad ah abuureyn in arrimahaas oo kale ay dhacaan (sida in madaxweynaha uu ka qeybgalo). Marka waa arrin farsamo, wey dhici kartaa laakiin waxay u baahan tahay in la turxaan bixiyo oo la isla fahmo,” ayuu hadalka ku sii daray.

Haddaba, marka laga gudbo khilaafka oo heshiis la isla gaaro, yaa ka mid noqon doono saxiixeyaasha? 

Dr. Shariif Cismaan wuxuu qabaa in madaxweynaha uu saxiixi doono heshiiska “waa haddii la raaco arrimo farsamo oo horseedi kara in madaxweynaha uu saxiixo heshiiska.”

“Maadaama uu madaxweyne yahay, wuu saxiixi karaa weliba waxaan is leeyahay maadama uu qeyb ka aha go’aannadii hore, hadda saxiixiisa waa loo baahan yahay, waayo wuxuu caddeynayaa saxiixiisu in wixii meesha ka soo baxay uu raalli ka yahay ama in uusan ka aheyn”.

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadallada in ay guuleystaan. “Jawi deggan ayuu ku bilowday, rajo weyn ayay dadka ka qabaan in labada dhinacba (ay heshiiyaan). Waxaad moodaa in muuqaalkiisa hadda uu yahay mid ay wax ka soo bixi doonaan”.