Ra’iisul Wasaare Rooble oo laga dalbaday inuu raali-gelin ka bixiyo saddex dhacdo

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda Yuusuf Xasan Mursal oo ka hadlay go’aankii ay dhawaan gaartay Xukuumadda Rooble, kaasi oo looga laabtay qaraarkii ONLF loogu daray liiska argagixisada, ayaa dalbaday in Ra’iisul Wasaaraha uu raali-gelin iyo garawshiyo ka bixiyo weeraradii ay qaaday xukuumaddii ka horeysay ee Xasan Cali Kheyre.

Waxa uu si gaar ah u carabaabay weerarkii 2017-kii lagu qaaday hoyga Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Senator Cabdi Qeybdiid iyo dadkii lagu laayay Koonfuur Galbeed, xiligii weerarka lagu qaaday Mukhtaar Roobow.

“Waxaa leenahay Faanoole far kama qodna, wax walba oo Farmaajo looga soo horjeedo waa ku jirna haddaan nahay reer Koonfur Galbeed dhibaato badan ayaa ka dhacday, waxaa rabnaa in Ra’iisul Wasaaraha uu wax ka qabto arrintaas,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay dadaalada uu Ra’iisul Wasaare Rooble dib ugu saxayo qaladaadka ay gashay xukuumadii Kheyre oo xiligaas si weyn iskugu dhawaayeen madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

“Haddaan dhaho waan tirinaya gabood falada iyo tacadiyada ay dowladda gashay runtii wax dhow ma ah, waxaa rabaa in aan kusoo gaba-gabeeyo waa soo dhaweynayna dadaalka Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumadiisa.”

Yuusuf ayaa ugu dambeyntiina waxa uu si gaar ah u dalbaday in arrinta Mukhtaar Roobow uu wax ka qabto, maadama uu si sharci darro ah muddo ugu xiran yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay dhawaan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble ay ku dhawaaqday in ONLF laga saaray liiskii argagixisada ee hore loogu daray, tallaabo qaldana ku tilmaamtay dhiibistii Qalbi Dhagax.