Qorshaha ‘laga leeyahay’ ciidanka la geeyey Eritrea ee dalka lagu soo celinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Sidaad ku akhrisateen warbixinadeenii hore, waxaan helnay xog sheegaya in dalka dib loogu soo celinayo ciidamadii Soomaalida ahaa ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

Haddaba, Cabdisalaan Yuusuf Guuleed oo ahaa taliye ku-xigeenkii hore ee Hey’adda NISA ayaa ka hadlay saameynta ka dhallan karta soo celinta ciidamadaas iyo ujeedka hadda loo keenayo dalka.

“Ilaa markii la ogaaday in ciidamadaan Eritrea loo qaaday waxay aheyd Janaayo sanadkii hore, illaa haddana lama oga tirada saxda ah, wasiirka cusub ee arrimaha dibadda wuxuu dhawaan sheegay in tirada ciidamadaas ay yihiin illaa 5 kun, balse annaga waxaan aamisanahay in tirada ay intaas ka badan tahay weliba ay gaareyso illaa 10 kun oo askari,” ayuu yiri Cabdisalaan.

Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA ayaa sheegay in ciidamadan ay maqan yihiin illaa 2 sano, wuxuuna xusay in la xaqiijiyey inay ciidamaaan ka qeybgaleen dagaalka ka socday dalka Itoobiya.

“Waalidiinta carruurtan dhashay waxay dhowr jeer dalbadeyn in ilmahooda meel loogu sheego, balse waxaa muuqata in dadkii ilmahaan waday oo kala ah Farmaajo, Kheyre iyo Fahad Yaasiin inay weli ku taagan yihiin in wax walba ay u dhacaan sidii ay iyaga qorsheysteen, waxay ka maqan yihiin waalidiintooda oo kaliya,” ayuu sii raaciyey.

Cabdisalaan ayaa sheegay in ciidamada loo qaaday Eritrea ay ahaayeen laba qeybood. Qeyb wuxuu ku sheegay inay ahaayeen ciidamada badda oo gaaraya illaa 5 kun iyo kuwa Militari ah, wuxuuna sheegay in kuwa Milatariga ee lagu tababarayey xuduuda Itoobiya ay yihiin kuwa ka qeybgalay dagaalka lala galay Tigrayga, wuxuuna intaas kusii daray inaysan jirin hal askari oo kuwaas ka badbaaday inkastoo uusan sheegin tiradooda.

“Cabsida ugu badan ee na heyso waa in ciidamadaas dib dambe loo arki waayo, dhowr jeer ayaa sanadkii hore la sheegay in ciidamadaas lasoo celinayo, qorshaha kamid maahan in ciidamadaan lasoo celiyo, sababatoo ah Farmaajo ayaa dalbaday inaan ciidamadaan lagu soo celin illaa uu ka guuleysto mucaaradka Soomaaliya ama laga guuleysto,” ayuu mar kale yiri Cabdisalaan.

Cabdisalaan ayaa xusay in ciidamadan ay u dhinteyn jir ahaan iyo maskax ahaan, wuxuuna Carabka ku dhuftay in askartaan aan ciidan ahaan loo isticmaali karin, wuxuuna sababta ku sheegay in dhibaatada loo geystay ay tahay mid aad u weyn.

“In ciidamadaas lasoo celiyo suurtagalnimadeeda aad ayey u yar tahay, balse haddii lasoo celiyo Farmaajo ayaa rabo inuu awood ahaan u isticmaalo, inuu doorasho qabanayo ma hubee xataa haddii laga guuleysto wuxuu rabaa inuu ciidamadaan ku qalqal geliyo dalka, uma maleemayo in ciidamadaan loo soo celinayo inay la dagaalamaan Al-Shabaab ama inay ka shaqeeyaan dowladnimo,” ayuu hadalkiisa kusoo geba-gebeeyey.