HirShabelle oo shaacisay JADWALKA doorashada kuraastii ugu horreysay BF

Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashada ee dowlad goboleedka HirShabelle ayaa shaaciyey jadwalka doorashada lix kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee deegaan doorashooda ay tahay magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaasi.

Guddiga ayaa soo saaray liiska kuraasta la qabanayo doorashadooda kuwaas oo kala ah:- HOP#005, HOP#033, HOP#052, HOP#088, HOP#097 iyo HOP#098.

Jadwalka ayaa waxaa lagu caddeeyey in doorashada kuraastan oo ah kuwii ugu horreeyey ee HirShabelle in la qabanayo 25-ka illaa 31-ka bishaan Janaayo ee sanadka 2022-ka.

Saddex ka mid ah kuraastan waxaa si gaar ah loogu xiray dumarka, si loo ilaaliyo qoondada haweenka ee 30%.

Lixdaan kursi ayaa waxaa hor kala fadhiyey xildhibaanada kala ah:- 1. HOP#005 waxaa ku fadhiyey Maxamed Cumar Caymoy, 2. HOP#033 waxaa ku fadhiyey Yuusuf Ibraahim Afrax, 3.HOP#052 waxaa ku fadhisay Farxiya Maxamuud Dhaqan, 4. HOP#088 waxaa ku fadhisay Dahabo Suusow Maxamed, 5. HOP#097 waxaa ku fadhisa Khadiija Maxamed Diiriye iyo 6. HOP#098 waxaa ku fadhiya Maxamuud Maxamed Jaamac.

Kuraastan ayaa ka mid ah 11 kursi oo ay horey u shaacisey HirShabelle inay qabaneyso doorashadooda, kuwaas oo yaalla magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dhanka kale HirShabelle ayaan weli wax tallaab ah u qaaday dhinac Beledweyne oo ay taallo kuraas badan, waxaana magaaladaas ka taagan xaalad kacsanaan ah.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto xaalad adag oo kala guur ah, taas oo ka dhalatay daaha doorashooyinka dalka oo dib u dhacday muddo hal sano ah.