Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay guddi cusub soona saaay baaq culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi heer Wasiirro ah oo u xilsaaran u gurmadidda dadka la il-daran abaaraha ka dhacay meel badan ee waddanka ah. Guddigan oo ka kooban 7 Wasaaradood ayaa kala;

1- Wasaaradda Gargaarka
2- Wasaaradda Maaliyadda
3- Wasaaradda Qorshaynta
4- Wasaaradda Caafimaadka
5- Wasaaradda Beeraha
6- Wasaaradda Warfaafinta
7- Wasaaradda Biyaha 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray guddig in ay si deg-deg ah u howlgalaan oo ay daraasad dhab ah ku soo sameeyaan xaaladda dhabta ah.

Dhinaca kale, Rooble ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay u istaagaan samatabixinta dadkeenna la dhibaateysan abaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay doorka shariifka ah ee ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin gurmadka xaaladaha degdegga ah ee ka dhaca dalka iyo garab-siinta dadkeenna nugul, waxa uuna tilmaamay in xilligan baahi weyn loo qabo sidii loo mideyn lahaa, loona dardar gelin lahaa gurmada abaaraha ka jira dalkeenna.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashadaan khayraadka ceegaaga dalkeenna, si uu kor ugu kaco waxsoosaarka dalka, loogana baxo saboolnimada iyo duruufaha nagu xeeran.

Rooble ayaa ka warbixiyey kobaca fursadaha maalgashi ee dalka iyo sida ay muhiimka u tahay in ganacsatadeennu ay u mideeyaan cududdooda iyo caqligooda oo aas-aas u ah horumarinta dhaqaalaha iyo shaqaaleynta dhallinyarada Soomaaliyeed.