Wasiirkii A/Dibedda ee xilka laga qaaday oo shaaciyey sheeko ka duwan tan Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arirmaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa shaaca ka qaaday inuu la yaabay xil ka qaadista uu maanta ku sameeyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in toddobaad kahor uu is-casilaad u gudbiyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Sheekada ku saabsan in la beddelay aad ayaan ula yaabay si la mid ah qof kasta oo kale balse waxay daba socotaa yabooh is-casilaad oo aan gudbiyey toddobaad kahor. Angaa ayaa qof kasta la socod siin doono marka waqtigeeda la gaaro, hase yeeshee aad ayaan ugu faraxsanahay inaan u adeegay qaranka Soomaaliyeed, badalkeygana waxaan dabcan u rajeynayaa kheyr.”

Qoraal goor sii horeysay kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS ugu magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Halka Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda loo magacaabay mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos).”

Xil ka qaadista wasiirka arrimaha dibedda ayaa ku timid si lama filaan ah, mana cadda waxa dhiiri-geliyey.

Si kastaba, in wasiirka arrimaha dibedda loo magacaabo Cabdi Saciid Muuse Cali ayaa muujin karta in Rooble uu aad ugu dhowaaday madaxweyne Farmaajo oo dhowaan ay ka heshiiyeen khilaaf u dhaxeeyey.

Cabdi Saciid ayaa ka mid ah ragga aadka ugu dhow Farmaajo, wuxuuna ku magacownaa agaasimaha madaxtooyada, oo laga dhigay markii xilka la-taliyaha amniga qaranka oo uu hayey laga qaaday loona dhiibay Fahad Yaasiin.