Waa kuma Cabdisaciid Muuse Cali – wasiirka cusub ee arrimaha dibadda (Taariikh)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Cabdisaciid Muuse Cali u magacaabay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, waxuuna bedelayaa Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo xilkaas hayey hal sano oo shalay ku ekeyd.

Cabdisaciid waxuu noqonayaa wasiirkii sedaxaad ee Rooble uu u magacaabay wasaaradda arrimaha dibadda, waxaana Maxamed Cabdirisaaq ka sii horeeyey Axmed Ciise Cawad oo ka mid ahaa xukuumadii uu soo dhisay Rooble markii loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha, inkasta oo sidoo kale uu xilkaas hayey xilligii Kheyre.

Hadaba waa kuma wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Cabdisaciid Muuse Cali?

Cabdisaciid Muuse Cali Koor waxaa uu ku dhashay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe sanadkii 1971-kii, balse qabiil ahaan waxa uu kasoo jeeda Puntland, gaar ahaan beesha Majeerteen.

Kahor inta aan maanta la magacaabin waxa uu ahaa Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya oo laba bil un kahor loo magacaabay.

Waxa uu soo noqday La-taliyihii Amniga Qaranka ee ugu waqtiga dheeraa ee Madaxweyne Farmaajo intii u dhaxeysay 2017-kii ilaa Septembar 2021. Sidoo kale Cabdisaciid waxuu masuul ka ahaa kormeerka istaraatijiyadda amniga qaranka iyo maaraynta maalinlaha ah ee siyaasadda amniga Soomaaliya ee ku wajahan hay’adaha militariga, booliska iyo sirdoonka.

Cabdisaciid waxuu hormuud ka ahaa horumarinta, ansixinta iyo hirgelinta Qorshaha kala-guurka, isaga oo ka wakiil ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Qorshaha cusub ee kala guurka ee Soomaaliya waxa uu jiho cusub u jiheeyey amniga iyo horumarinta Soomaaliya, wuxuuna taageero xooggan ka helay daneeyeyaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah, iyada oo si weyn loo bogaadiyey hoggaaminta Cabdisaciid ee Siyaasadda Amniga Qaranka.

Ka hor inta uusan ku biirin Dowlada Federaalka Soomaaliya, Cabdisaciid waxa uu La-taliyaha dhanka Siyaasadda Gobolka u ahaa Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, isaga oo diiradda saari jiray wax ka qabashada xasillooni-darrada siyaasadeed, xagjiraynta iyo argagixisada ee Gobolka.

Xilalka kale ee uu Cabdisaciid soo qabtay waxaa ka mid ah Wakiilka Soomaaliya ee Nordic International Support Foundation, iyo La-taliye Sare ee Maaraynta Xuduudaha, ka hortagga xagjiraynta iyo amniga badaha ee IGAD.

Cabdisaciid waxa uu sidoo kale doorar cilmi-baaris ah u soo qabtay IGAD, Machadka Adeegga Dibadda ee Kenya, King College London’s Futures Project, iyo Xarunta Iskaashiga Caalamiga ah ee La-dagaallanka Argagaxisada ee Addis Ababa. Sidoo kale, waxa uu La-taliye u soo noqday Dowladdii ku-meel-gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Wakaaladda Horumarinta Iskaashiga ee Talyaaniga.

Cabdisaciid waxa uu wax ku soo bartay dalalka Netherlands, Boqortooyada Ingiriiska iyo Maraykanka, waxaana uu shahaadooyin badan ka haystaa heerarka kala duwan ee Tacliinta Sare.