Ra’iisul Wasaare ROOBLE oo soo saaray farriin cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa war qoraal ah kasoo saaray maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku beegan maanta oo ah 15-ka bisha May ee 2021-ka.

Rooble ayaa marka hore dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalintan u gaarka ah ee 15-ka bisha May, isaga oo ku amaanay doorkooda ku aadan qeybaha kala duwan ee nolosha iyo sidoo kale difaaca dalka iyo howlaha kale ee qaranka.

“Xornimadii dalka ka hor iyo ka dibba, si weyn ayuu u muuqday doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee nolosha qeybeheeda kala duwan, siiba difaaca dalka iyo howlaha Qaran ee muhiimka ah,” ayuu qoraalkiisa ku yiri ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in dhalinyarada Soomaaliyeed ay udub dhexaad u yihiin horumarka dalka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa udub dhexaadka dalkeenna, waxa ayna bulshada ka yihiin in ka badan 70%, taas oo ka dhigan in dalkeennu yahay dal dhallinyaro” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan doorkooda ku aadan horumarka dalka iyo sidoo kale dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Si kasataba dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa haatan wajahaya caqabado badan oo is biirsaday uguna daran tahay shaqo la’aan baahsan oo ka jirta guud ahaan dalka.