Qatar oo ka codsatay Muuse Biixi inay dhex-dhexaadiso DF iyo Somaliland + Jawaabtiisa

Hargeysa (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa kasoo baxeysa waxa looga hadlay kulankii ay magaalada Hargeysa laba toddobaad kahor ku qaateen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti ka socday Dawladda Qatar oo uu hoggaaminayey ergayga gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha dibedda Qatar u qaabilan La-dagaalanka Argagixisada iyo Xal u helidda Khilaafaadka Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Dr. Mutlaq uu Muuse Biixi Cabdi u sheegay inay doonayaan inay xidhiidh laba geesood ah yeesheen Qatar iyo Somaliland oo ay aad isugu dhow yihiin Imaaraadka Carabta, sida uu ku warramay wargeyska Somaliland Chronicle.

Wafdiga Qatar ayaa sidoo kale Somaliland u sheegay inay doonayaan inay xafiis uga furaan Hay’adda Qatar u qaabilan Kaalmooyinka ee loo yaqaano Qatar Charity.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Weftigu uu Madaxweynaha Somaliland la wadaagay doonista Dawladda Qatar ee ah inay qayb ka noqoto dedaallada Caalamiga ah ee Wada-hadallada lagu dhex-dhexaadinayo dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland iyo Soomaaliya,

Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu warramay inuu Weftiga Qatar u sheegay Mowqifka Somaliland ee wada-hadallada iyo kalsoonida ay ku qabto Qaddiyadeeda Madax-banaanidu u saamaxayso inay meel kasta kaga qayb-galaan wada-hadallada dhex-dhexaadinta ah, sidoo kalena aqbalayaan cid kasta oo arrintaa dhexdhexaad ka ah.

Muuse Biixi Cabdi ayaa Weftiga Qatar ku war-geliyey inay Somaliland diyaar u tahay inay sugto inta ay Soomaaliya ka baxayso xasillooni la’aanta siyaasadeed ee hadda haysata, oo ka dhalatay muranka doorashooyinka.

Arrinta kale ee Weftiga Qatar iyo Madaxweynaha Somaliland ka wada-hadleen ayaa lagu sheegay inay tahay in diyaaradda Qatar Airways ay duulimaadyo toos ah ka bilowdo Somaliland. Xilligan la joogo, diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa ah ta keliya ee caalami ah ee duulimaadyo toos ah ku timaadda Somaliland.