Tallaabo ay DF ka qaaday shirkad KENYAN ah ayaa ka carreysiisay dowladda Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Nation ee Nairobi ayaa qoray xog ku saabsan sababtii keentay in dowladda Kenya ay joojiso duulimaadyadii Soomaaliya, oo la hakiyey muddo saddex bil ah marka laga reebo kuwa caafimaadka iyo kuwa sida gargaarka bani’aadannimo.

Wargeyska oo soo xiganaya ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Kenya ayaa sheegay in Kenya ay ka carrootay kadib markii dowladda federaalka ay xayirtay laba diyaaradood oo qaad usoo qaaday Soomaaliya, oo ay leedahay shirkadda Kenyan-ka ah ee Bluebird Aviation.

Labadaas diyaarad ayaa Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya waxay ku eedeysay inay jebiyeen amarkii ay dowladda ku mamnuucday in qaadka Miraa ee Kenya loo soo dhoofiyo dalka.

Tallaabada ay qaadday dowladda ayaa muran ka dhex-abuurtay labada dal ayada oo Kenya ay ku dooday in shirkadda ay qaadka usoo qaaday Muqdisho kadib markii dowladda federaalka ay dib usoo celisay xiriirkii labada ee ay goysay bishii December, islamarkaana diyaaradda ay timid Soomaaliya maalmo kadib markii xiriirka lasoo celiyey.

Hase yeeshee dowladda federaalka ayaa sheegtay in xiriirka lasoo celiyey aanu ka dhigneyn in qaadka la fasaxay, oo aysan jirin meel arrintaas lagu sheegay, sidaas darteedna ay shirkadda Bluebird Aviation ku xadgudubtay amarka dowladda.

Hay’adda Duulista ayaa kadib 9-kii May soo saartay qoraal ay ku xaqiijineyso in amarkii lagu mamnuucay qaadka uu weli taagan yahay, si aan loo sameyn qalad la mid ah kii Bluebird Aviation.

“Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed (SCAA) waxay si sharaf leh ugu war-gelineysaa dhammaan howlwadeenada in Qaadka Mirra oo la keeno Soomaaliya ay weli mamnuuc tahay, islamarkaana Siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan soo dhoofinta Qaadka Miraa ee garoomada diyaaradaha dalka aysan waxba iska beddelin. Soo dhoofinta Mirra, iyadoon wax ogolaansho ah laga haysan Hey’adda Duulista Raydika, waxaa loo arki doonaa tallaabo sharci darro ah iyo ku xad-gudub Hawada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Hay’adda Duulista Raydika Soomaaliya.

Si kastaba, Kenya ayaa ayada oo ka carreysan tallaabada ay dowladda federaalka ka qaaday shirkadda Bluebird Aviation iyo inaan dib loo fasaxin qaadka, waxay soo saartay amarkii ay ku joojisay duulimadyada Soomaaliya, taasi oo sii xumeysya xiriirka labada dal ee Qatar ay ku guuleysatay toddobaadn kahor inay dib usoo celiso.