Ra’iisul wasaare Rooble oo u baxay Imaaraadka + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa maanta u amba-baxay magaalada Abu Dhabi ee caasimada waddanka Isu Tagga Imaaraadka Carabta.

Rooble ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kasii sagootiyey ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed iyo xubno kale oo ka tirsan golihiisa wasiirada Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in safarka Rooble uu la xiriiro xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi kusii daraya in ra’iisul wasaaraha inta uu joogo Imaaraadka uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda sare ee dalkaasi.

Safarka Rooble ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay haatan is hayaan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo dowladdiisu xiriirka u jartay Imaaraadka, isaga oo dhinaca kale garab ka helay Qatar.

Arrimahan oo dil ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan ra’iisul wasaare Rooble uu raalli-gelin siiyey dowladda Imaaraadka Carabta, taas oo la xiriirta lacagtii 2018-kii looga qabtay garoonka Aadan Cadde, isaga oo u ballan qaaday in dib loogu celin doono, waxayna tallaabadaas dhabaha u xaartay dib usoo nooleynta xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi.

Si kastaba, Imaaraadka ayaa haatan doonaya inuu isku fidiyo siyaasad ahaan Geeska Afrika iyo Badda Cas, waxaana shalay Abu Dhabi tegay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, halka uu maalmo ka sii horna uu tagay Madaxweynaha Masar Abdelfatah Al Sisi.