Xog: Wasiir maanta ciidan ku qabsaday xarunta guddiga doorashooyinka G/Waqooyi

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa maanta mudo kooban hakad gashay shaqada guddiga doorashada kuraasta baarlamaanka ee gobollada waqooyi, kadib markii wasiir ka tirsan xukuumadda Rooble uu gaadiid dagaal la tegay xarunta.

Maxamed Aadan Xagaa oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya oo wata gaadiidka dagaalka ayaa maanta ciidan ku hor jaray xarunta guddigaas oo ku taalla dhabarka dambe ee Villa Somalia, sida ay noo xaqiijiyeen xubno ku sugnaa goobta.

Wasiir Xagaa oo ah musharax xildhibaan ayaa ka carooday ergadii uu soo qoray oday dhaqameedka beeshiisa, waxaana la sheegay inuu soo jeediyey in ergada kuriga uu u tartamayo fursad loo siiyo inuu wax ka soo qoro.

Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in odaga beesha uu ku gacan seyray soo jeedinta wasiirka, taasina ay sababtay in markii maanta xarunta guddiga la geeyey ergada, si loo diiwaan geliyo uu ka hor istaagay Wasiir Maxamed Xagaa.

Irida laga galo xarunta guddiga ayaa la sheegay in wasiiru dowluhu uu dhigay gadiid dagaal iyo ciidan, isagoo xubnihii ergada beeshiisa ku amray inay kala tagaan, waxaana mar dambe arrintaas ku soo baxay odayaal dhaqan oo ka socday beelaha kale ee reer waqooyiga.

Afhayeenka guddiga doorashooyinka heer federaal Axmed Safiina oo ka fal-celinaya dhacdadaas ayaa galabta soo qoray in uusan jirin weerar lagu qaaday xarunta gudiga maamulka doorashada kuraasta baarlamaanka ee reer waqooyiga.

“Majirto cid weerar ku soo qaaday xarunta GMDKLA ee Somaliland, Wasiirada iyo Xildhibaanada xarunta u imaanaya shaqooyinka waxa ay wataan ciidamo ilaalo u ah loomana ogala in gudaha xarunta soo galaan, beeluhu ha xalistaan khilaafka u dhaxeeya, shaqada doorashadu way socotaa,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Afhayeen Axmed.