Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabduqaadir Faarax Shirdoon ayaa lagu wadaa inuu baarlamaanka hor tago toddaadka soo socda, si loo waydiiyo su’aalo la xiriira waxqabadka iyo qorshayaasha xukuumaddiisa.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ka warbixiyay fadhi uu shalay baarlamaanka ku yeeshay Muqdisho, ayaa xaqiijiyay in la qorsheeyay inay ra’iisul wasaare Shirdoon iyo wasiirka maaliyadda Maxamuud Xasan Suleymaan hor tagaan golaha shacabka si su’aalo looga waydiiyo miisaaniyadda xukuumadda ee sanadka 2014-ka.
Dhinaca kale, fadhiga waxaa xildhibaannada loogu qeybiyay qorshe-howleedka baarlamaanka ee labada bilood ee ka hartay sanadka 2013.
Mudaneyaal kormeeray qaar ka tirsan gobollada dalka ayaa sidoo kale kulanka warbixin looga dhageystay.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xildhibaannada fasaxa ku maqan ka codsaday inay dib shaqada ugu soo noqdaan wixii ka dambeeya 20-ka bishan October, wixii markaas ka dambeeya ciddii maqnaaatana loo arki doono inay iskeed u maqan tahay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

