TV caan ah oo laga mamnuucay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Ceydiid Ilka Xanaf ayaa sheegay in Xeer ilaalinta qaranka iyo Maxkamada gobolka Banaadir uu u gudbiyay waarankii lagu xiri lahaa TV-ga Somali Channel

Tv-ga ayuu ku eedeeyay Gudoomiyuhu inuu baahiyay  war qaldan oo ku aadanaa in Maxkamadu ay fulisay xukun sharci darro ah , waxaana uu tilmaamay in warkaas uu gaar siiyay guud ahaan aduunka dacaladiisa.

Wuxuu sheegay inay jiraan Warbaahino kale oo warkan faafiyay hayeshee TV-ga uu kaga duwan yahay , waxaana arintaas lagu Micneeyay in TV-ga uu yahay mid Maqal iyo Muuqaal ah isla markaana gaaraya meel ka fog halka warbaahinada dalka ay gaarayaan .

Dacwada ayaa aheyd mid dhuleyd oo ay isku heystaan Agoonta Reer Cali Shire iyo shirkad lagu magacaabo Beddar , inkastoo markii dambe dhulkaas loo xukumay Beddar , t

Ilmaha reer Cali Shire ayaa Maxkamada sare ee dalka ku eedeeyay inay qaadatay laaluusha inkastoo Ceydiid Ilka Xanaf uu sheegay in ay taasi tahay mid been abuur ah iyaguna ay doonayeen inay wax Laaluushaan balse aysan dhicin.

“Iyaga ayaa la wareegayay lacag marka waxay moodaan sidaas oo kale in lacag wax lagu raadinayo waxaan ka dabanay hadii ay doonayaan dhulkaas in looga baahan yahay inay keenan sabar loog balse ay keeni waayeen” Ayuu Yiri  Ilka Xanaf .

Si kasto dhowaan war qad kasoo baxday Maxklkamada sare ee dalka waxaa lagu sheegay inaan la baahin Karin dhulkas Reer Cali Shere ee dacwadiisu ay soo daba dheraatay , waxaana la shaaciyay in cidii baahisa ay ka jawaabi doonto.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com