R/W Saacid oo jawaab ka bixiyey Sawir gacmeedkii Amiin Caamir (Facebook)

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Dr Cabdi Farax Shirdoon Saacid ayaa waxaa uu marki ugu horaysay ka hadlay sawir  uu  farshaxamiiste Amin camir ka sameyay Ra’ iisulwasaare Saacid Farax Garaad, oo si aad ah loogu weeraray ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Saacid Farax oo qoraal jawaab ah ka bixinaya sawirkasi ayaa waxaa uusoo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook, Isaga oo  ay ka muuqato inuu aad uga xun yahay muuqaalka laga sameeyey siyaasadiisa hogaaminta dalka ee isaga iyo madaxweynaha.

25_SEP_2013

Qoraalka Saacid ayaa u qoran sida hoos aad ka arki kartaan:

“Xoriyadda tacbiirka macnaheedu ma aha in shaqsi lagu xad gudbo. Fadlan Aanu iska ilaalino ku xad gudubka shaqsi. Waxaanu xor u nahay in aanu fikirkayaga ku soo bandhigno hadal, qoraal sawir iwm inagoo aanan shaqsi ku xad gubeeynin”.

Waxaan sidoo kale ka qaadnay sawirk jawaabtaasi  uu Facebook soo dhigay Ra’iisul Wasaare Saacid Farax Garaad si haddii laga saaro  jawaabtaasi  facebook aan cadeyn ahaan ugu heyno. Waxaana dhanka kale ugu talogalnay in Somalida aan isticmaalin Facebook ay laftooda arkaan qoraalka uu Saacid Farax ugu jawaabay Amin Caamir.

saacid facebook

 

Isha: Kismaayo.24.com