Ra’iisul Wasaarihii hore ee Japan oo fagaare lagu toogtay

Tokyo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Japan Shinzo Abe ayaa isbitaal loola cararay kaddib markii lagu toogtay munaasabad ka dhacday magaalada Nara ee galbeedka Japan.

Shinzo Abe ayaa la toogtay labo jeer, iyadoo xabbada labaad ay uga dhacday dhabarka, taasoo keentay inuu dhulka ku dhaco. Wararka ayaa sheegaya in ninka weerarka geystay la xiray.

Duqii hore ee Tokyo, Yoichi Masuzoe ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Abe oo 67 ah uu soo gaaray dhaawac culus.

Ninka la rumeysan yahay inuu toogtay mas’uulka waxaa loo dhaadhiciyay xabsiga, faah-faahin bandanna lagama hayo xaaladda Abe, sida uu warbaahinta u sheegay xoghayaha xukuumadda dalka Japan Hirokazu Matsuno

“Sabab kasta ha ahaatee, falkan waxuushnimada ah marna looma dulqaadan karo, si adagna waan u cambaaraynaynaa,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Muuqaallo ayaa lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaasoo aan la xaqiijin karin, waxayna muujinayaan shaqaalaha caafimaadka oo ku hareeraysan Shinzo Abe bartamaha meel waddo ah, iyadoo markaas kadibna loola cararay isbitaalka.

Abe ayaa markii uu weerarku dhacay waxa uu khudbad u jeedinayay dad isugu soo baxay magaalada Nara oo ay ka socdaan ololaha doorashada, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ay arkeen nin ay tilmaameen inuu qori weyn gadaal ka soo ridayay.

Rasaastii ugu horreysay ayaa u muuqatay inay seegtay laakiin xabbada labaad waxay uga dhacday dhabarka. Isla markiiba waxa uu ku dhacay dhulka isaga oo uu dhiig ka qubanayo. Ciidamada amaanka ayaa xabsiga dhigay ninka looga shakiyay inuu weerarka geystay oo aan isku dayin inuu baxsado.

Shinzo Abe wuxuu watay koox boolis ah oo ammaankiisa sugaysa, Laakiin waxa ay u muuqataa in qofka toogashada geystay uu weli awooday inuu dhowr mitir u jirsado isagoo aan wax xannibaad ah kala kulmin ilaalada Abe.

Toogashada ninkan caanka ah horeyna u soo noqday ra’iisul wasaaraha ayaa aad looga naxay gudaha Japan.

Isha: Bbc