Odinga oo soo jeediyay qodob muujinaaya in Kenya ay qarka u saaran tahay burbur

Nairobi(Caasimada Online) – Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa soo dhaweeyay wadahadal uu la galo Madaxweynaha la doortay ee Kenya Mr Uhurro Kenyatta.

Raila Odinga oo u waramaayay warbaahinta Reauters ayaa sheegay ka hor inta uusan dhicin wadahadal in la doonaayo in marka hore Kenya loo sameeyo dowlad kumeel-gaar oo wadaag ah.

Waxa uu sheegay in dowlad wadaagaasi ay Kenya uga badbaadi karto xasil daro iyo in dalka uu ka dhaco burbur.

Raila Odinga, waxa uu sidoo kale sheegay inaan lagu dheeran doonin dhismaha dowlad kumeel-gaar ah, balse ay sii shaqeyn doonto muddo 6 bilood ah.

Odinga waxa uu tilmaamay in kumeel-gaarka looga bixi doono khilaafka iyo xiisada kala dhexeysa Uhurro Kenyatta, waxa uuna meesha ka saaray in ujeedkiisa uu yahay in Kenya ay gasho carqalad iyo xasilooni darro.

Raila Odinga waxa uu ku celshay in la doonaayo in mar Seddexaad la qabto doorasho xor iyo xalaal ah, maadaama uu horay u dhacay musuq-maasuq.

Raila waxa uu tilmaamay in Uhurro uusan maamuli karin Kenya maadaama kala bar dadka Kenya ay aaminsan yihiin in la gacan bidixeeyay Qaranka.

Sidoo kale, doorashadii ugu dambaysay ee dalka ka dhacday 26/10/2017 waxaa ku guuleystay Uhurro Kenyatta walow hogaamiyaha xisbiga mucaaradka uu isaga baxay tartanka kadib markii uu ku tilmaamay doorasho sharci dara ah.

Si kastaba ha ahaatee, Kenya ayaa u muuqaneysa mid ay kusii kordhayaan khilaaf siyaasadeedka suuragalinkara in dalka uu cagaha la galo amni darro.

Caasimada Online

Xafiiska  nairob

Caasimada@live.com