Xog ka cusub mooshinka Shariif Xasan ka dhanka ah iyo xildhibaano…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia ayaa ka digay in la dhaqan galiyo Mooshin la sheegay in dhawaan laga keenay Hogaamiyaha maamulka Shariif Xasan.

Xildhibaanada oo shirar looga soo horjeeda Mooshinka ay wadaan Xildhibaanada kale ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay caqabado dhowr ah ka dhalankarto haddii xilka laga tuuro Madaxweyne Shariif Xasan.

Xildhibaanada waxa ay tilmaameen in maamulka Koonfur Galbeed iyo shacabkuba aysan dan ugu jirin in maamulka uu cagaha la galo qalalaase siyaasadeed, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa ay sheegen in Shariif Xasan ay u hartay muddo sanad ah, xiligaana aanan loo baahneyn in meesha laga saaro, maadaama uu soo qabtay hawl adag.

Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka ka dhanka ah Shariif Xasan ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Xasan Black oo sheegay in xildhibaanada mooshinka wada ay sidoo kale doonayaan burburka maamulka, sida uu hadalka u dhigay.

Geesta kale, waxa uu wacad ku maray inay la dagaalami doonaan Xildhibaanada Mooshinka wada, maadaama ay dhibaato ku yihiin xasiloonida maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com