Ra’iisul wasaarihii hore ee Malaysia oo la xukumay

Kuala lumpur (Caasimada Online) –  Maxkamadda sare ee Malaysia ayaa ku amartay Ra’iisul Wasaarihii hore Najib Razak inuu bilaabo 12 sano oo xabsi ah Talaadadii kadib markii ay taageertay eedeymo la xiriira fadeexad balaayiin dollar ah oo ka dhacday sanduuqa dowladda ee 1Malaysia Development Berhad (1MDB).

Go’aanka maxkamadda federaalka ayaa dhameystiraya guuldaradda Najib, oo ilaa afar sano kahor Malaysia ku xukumayay gacan bir ah, isla markaana cabburinayay baaritaannada maxalliga ah ee fadeexaddii 1MDB, taasoo saameyn ku yeelatay hay’adaha maaliyadda.

Dambi baarayaasha ayaa sheegay in ilaa 4.5 bilyan oo dollar laga xaday qasnadda 1MDB, taas oo Najib uu wax ka aasaasay sanadkii ugu horeeyay ee xukunkiisa ee 2009 – iyo in inka badan 1 bilyan oo dollar oo lagu shubay akoonno xiriir la leh Najib.

Sarkaal ka tirsan maxkamadda iyo ilo ku dhow Najib ayaa sheegay in la dhigay xabsiga Kajang, oo qiyaastii 40 KM u jira caasimadda Kuala Lumpur.

“Tani waa mid aan horay loo arag, Najib waxaa lagu xasuusan doonaa waxqabadkiisii, wuxuu ahaa Ra’iisul wasaarihii ugu horeeyay ee ku guuldareysta doorasho guud, wuxuuna noqday kii ugu horeeyay ee la xukumo,” ayuu yiri Adib Zalkapli, oo ah agaasimaha hay’adda tala-bixinta khatarta siyaasadda ee BowerGroupAsia.

Najib, oo wax kusoo bartay Britan, ayaa xilka ra’iisul wasaarenimo hayay 2009 ilaa 2018, markaas oo carada dadwaynaha ee fadeexaddii musuqmaasuqa ay keentay guuldarradii kasoo gaartay doorashada, iyo tobannaan eedaymo musuqmaasuq ah oo lagu soo oogay bilo kaddib.

Ra’iisul Wasaarihii hore, oo dafiray dambigan, ayaa lagu xukumay 12 sano oo xarig ah iyo 210 milyan oo lacagta ringgit ah oo u dhiganta ($ 46.84 milyan) oo ganaax ah.

Fadeexadda baaxadda leh ee 1MDB ayaa keentay in Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka ay furto waxa noqday baaritaankeedii ugu weynaa ee hoggaamiye awooddiisa ku xada hantida dalkiisa.

Anwar Ibrahim oo ah hoggaamiyaha mucaaradka ayaa sheegay in xukunkan uu cadeynayo awooda dadka.

VOA + Reuters.