R/W Kheyre oo seefta gasha kala baxay xayiraadna kusoo rogay akoonada wasaaradaha iyo Gobolka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo gaaray Caasimadda Online ayaa xaqiijinayo inay maalintii seddexaad oo xiriir ah xiran tahay Labadii akoon ee gobolka Banaadir ku lahaa Bankiga dhexe Soomaaliya.

Amarka lagu xiray akoonadaan ayaa waxaa iska lahaa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  wuxuuna si rasmi ah u xiray akoonkii ay dhaqaalaha gobolka ka heli jireyn dakadda ugu soo dhici jirtay waxaana lagu dhawaaqay inan gebi ahaanba wax lacag ah lagala bixi karin.

Sidoo kale wararka ayaa xaqiijinayo inay istaageyn dhammaan howlihii caadiga ahaa ee uu qaban jiray maamulka Gobolka Banaadir, waxayna midaan u muuqataa inay tahay mid gebi ahaanba ka duwan xayiraadihii ay madaxwyenayaashii hore kusoo rogi jireyn maaliyadda.

Dhanka kale Ra’isulwasaaraha ayaa si rasmi ah u xiray akoonadii ay lahaayeen dhammaan wasaaradihii waqtigooda dhamaaday mana jirto hal akoon oo ay laheyd wasaarad oo lacag lacaga bixin karo Bankiga Dhexe.

Arrintaan uu ku dhaqaaqay Ra’isulwasaaraha ayaa lagu macneeyey inay tahay sababo la xiriiro dowladda cusub ee uu dhawaan ku dhawaaqi doono waxaana la filayaa in dib loo furo marka golaha wasiirada lagu dhawaaqo.

Waxaa muuqato in  dowladda Farmaajo ay fulineyso ballan qaadkii ahaa inay la dagaali doonto musuq maasuqa iyo wax is daba marinta inta badan dhacdo xilliga kala guurka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com