R/W Cabdi Weli oo BF oo looga yeeray

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha shacabka Dowlada Federaalka Somalia, ayaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ugu yeeray in maalmo kooban gudahooda uu kusoo gaaro Magaalada Muqdisho

Ra’isul wasaaraha, ayaa la sheegayaa in Su’aalo laga weydiin doono Arrimaha Xukuumadiisa iyo Heshiiska Xukuumada ay lagashay Shirkad laga leeyahy Dalka Turkiga.

Gudoomiya Ku-xigeenka Labaad Mahad Cabdala Cawad, ayaa daboolka ka qaaday in Ra’isulwasaaraha Dalka ay u baahan yihiin Golaha shacabka, waxa uuna Tilmaamay in la dhaliilsan yahay qaabka uu u dhacay heshiiska Shirkada laga leeyahay Dalka Turkiga ee lagu Wareejiyay Maamulida Dekadda Muqdisho.

Go’aankaani uu maanta shaaciyay Gudoomiya Ku-xigeenka Labaad Mahad Cabdala Cawad, ayaa waxa uu imaanayaa xili Gudoomiyaha Gudiga  Arrimaha Gaadiidka Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuuboow uu sheegay inaysan ku qancin qaabka loo kala wareejiyay Dekada.

Dhanka kale, Maalinimadii Shalay ayey aheyd markii Shirkad laga leeyahay Dalka Turkiga lagu Wareejiyay Maamulida Dekadda Muqdisho’iyadoona Arrintaasi ay Muran keentay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com