25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Rajadii ay qabtay DFS oo soo idlaatay kadib go’aan kasoo baxay maamulka…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Rajadii ay dowladda federaalka Soomaaliya ka qabtay in xal laga gaaro khilaafka maamul goboleedyada Baydhaba, ayaa u muuqata mid dhammaatay kaddib go’aan kasoo baxay mid ka mid ah dhinacyada is haya.

Haddal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Arimaha gudaha Maamulka Lixda gobol ayaa waxaa lagu sheegay in maamulka uu soo afmeeray wada-xaajoodka iyo rajadii muujineysa wada tashiga kala dhaxeyay Maamulka Seddexda Gobol.

Maamulka Madoobe Nuunoow ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in marnaba aanay ka tanaasuli doonin aragtidooda ah Lixda gobal, islamarkaana ay yihiin maamulka saxda ah, sidaa darteedna aysan wada-hadal danbe Arrinta maamulka kala yeelan doonin dhigooda Seddexda Gobol.

Haddalkaani ayaa waxaa sheegay Cali Bayow oo maamulkaasi u qaabilsan Arimaha gudaha waxa uuna sheegay in ka maamul ahaan aanay doonayn inay dib uga laabtaan aragtida iyo go’aankii ay gaareen.

Waxa uu sheegay shir waliba oo ka dhaca Baydhaba inuusan saameyn ku yeelan doonin Mabda’a Maamulka Lixda Gobol, waxa uuna Cadeeyay in shirka ka socda magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay uu yahay mid lagu doonayo in khilaaf laga dhex abuuro dadka wada dega Koonfurta Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in shirka ka socda magaalada Baydhaba uu yahay mid lagu qiyaamay xukuumada Federaalka ee Soomaaliya, islamarkaana aanu ahayn mid ahmiyad u leh shacabka Koonfur Galbeed waa sida uu hadalka u dhigaye.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News