Video: Somali $200,000 looga qaatay dal European ah oo ay ku tahriibayeen

Athens (Caasimada Online) – Dowladda Gariiga ayaa xabsiga dhigtay Wakiilka Shirkadda Xawaaladda Amal oo la yiraahdo Sheekh Cabdiraxmaan, kadib markii ciidamada Booliska ay baaris ay ku sameeyeen ka heleen lacag kaash ah oo gaareysa 200 Kun oo Euro.

Lacagtaasi ayaa aheyd mid uu Wakiilka Amal ee Gariiga uu u hayay Tahriibayaasha Soomaalida ee doonayay inay kaga soo baxaan magaalada Athens ee dalka Gariiga.

Dhalinyaro Tahriibayaal ah oo lacagtaasi qeyb ku lahaa ayaa sheegay in ay ku dhibaateysan yihiin magaalada Athens, isla markaana aysan garaneyn wax ay sameeyeen iyo qaab ay ugu soo baxaan Athens, maadaama lacagihii loo hayay iyo mas’uulkii hayayba ay dowladda Gariiga gacanta ku hayso.

Dhalinyaradan ayaa sheegay in midkii ugu yar ay ka maqan tahay lacag dhan 5 Kun Euro, markii ay la xiriireenna xarunta weyn ee Amal ku leedahay Dubia loo sheegay in aysan jirin acoun ay ku leeyihiin shirkadda oo lacag ay u taal.

Magaalada Athens ayaa waxaa ku sugan Soomaali tiro badan oo dalka Turkiga kaga soo galay doomo, iyagoo rajeynaya inay ugu soo gudbaan wadamada kale ee Yurub si ay ugu helaan nolol.

Halkan ka daawo dhacdadan