Musuq maasuq baahsan oo ka dhex curtay wasaaradda warfaafinta ee DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa baryahaani isa soo taraayay musuq-maasuqa ka dhex taagan Wasaarada warfaafinta xukuumada somalia iyo laamaha hoostaga wasaarada.

Dhalinyaro kamid ah kuwii shaqada u gudbisaday wasaarada, ayaa waxa ay u xog warameen Caasimada Online oo aalaba xog uruurin ka dhex sameysa bulshada.

Dhalinyaradaani, ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in qaadashada loo qaatay shaqooyinka wasaarada ay ku bixiyeen dhaqaalo xoogan oo aysan awood u laheyn.

Laba kamid ah dhalinyaradaasi waxa ay inoo sheegen in shaqo galintooda ay ku bixiyeen mid 400$, lacagtaasi oo micnaheedu uu yahay fududeynta shaqo galintooda.

Sidoo kale, gabar iyana dhawaan loo qaatay shaqaalaha wasaarada, waxa ay noogu xog warantay in ku dhawaad muddo 5-bil ay ku dhibaneyd shaqo galinteeda, balse markii danbe ay bixisay lacago laaluush ah oo gaareysa ilaa 350$ taasi oo ku dhacday Jeebka gudiga qaabilsan shaqaaleysiinta.

Dhibaatada ka taagan wasaarada ayaa waxa ay noqoneysaa tan ugu badan oo ay la kulmaan dhalinyarada, iyadoona arrintaasi uusan ka hadlin wasiirka warfaafinta Mustaf dhuxulow.

Dhanka kale, shaqaaleysiinta shaqaalaha wasaarada ayaa waxaa loo kala qaataa hab qabiil oo ka duwan wasaaradaha kale, waxa ayna badi shaqaalahaasi u badan yihiin kuwo aan loo qaadan aqoon.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com