Gaalkacyo (Caasimada Online) – Rasaas goosgoos ah ayaa waxaa caawa laga maqlayaa xaafado ka tirsan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.
Rasaasta oo aan la garaneynin waxa ay yihiin ayaa waxaa la sheegayaa in laga maqlaayo ilaa laba Xaafadood oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo.
Rasaasta ugu badan ayaa ka dhaceysa xaafadaha dhaca Galbeedka Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan nawaaxiga Maxjarka Xoolaha.
Rasaasta ayaa ah mid ka dhaceysa laba dhinac waxa ayna u muuqataa inay is weydaarsanayaan ciidamo ka tirsan maamulka.
Goobta ay ka dhaceyso rasaasta ayaa waxaa horay ugu dagaalamay ciidamada maamulka Puntland iyo Galmudug, waxaana suuragal ah inuu jiro isku dhac labada ciidan ah.
Waxaan si dhab ah loo ogeyn cida ay u dhexeyso rasaasta waxaana caawa jawi cabsi leh ku jira dadka deegaanka ku ah magaalada Gaalkacyo.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

