24.5 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Sawirro: Canug ku dhex dhashay diyaarad oo loo ballanqaaday duulimaadyo lacag la’an ah inta uu nool yahay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Hooyada dhashay canugaani ku dhex dhashay diyaarada ayaa kamid aheyd rakaabka diyaarada Jet Airways ayaa kasoo raacday dalka boqortooyada Sacuudiga kuna sii jeeday dalka India.

Hooyadani ayaa canuga ku dhex umushay hawada sare xili ay diyaaradu aheyd mid ku jirtay duulimaadkeeda India.

Hooyadani ayaa waxaa diyaarada ku dhex umuliyay Shaqaalaha diyaaradda iyo qof rakaab ah oo leh tababar kalkaaliso caafimaad.

Xiliga ay haweeneydani umuleysay ayaa waxa ay diyaaraddu dhulka ka sarraysay 10,688 mitir, sida ay sheegen Saraakiisha la soctay diyaarada.

Shirkada Jet Airways oo laga leeyahay dalka India ayaa ballan qaaday in uu bilaash ku raaci doono diyaaradaheeda inta uu nool yahay wiil ku dhex dhashay diyaaraddooda.

Maamulka Shirkada ayaa Haweeneyda iyo canugeeda geeyay isbitaal ku yaalla magaalada Mumbai ee dalka Hindiya, waxa ayna sheegen inay bixin doonaan dhammaan kharajka ku bixi doona caafimaadka Hooyada iyo canugeeda.

Maamulka Shirkada Diyaaradaha Jet Airways ayaa sheegay in ay tani tahay markii ugu horeesay oo diyaaradooda cunug lagu dhax dhalo, waxa ayna u balan qaadeen cunugan diyaaradooda ku dhashay in di lacag la’aan ku raaci doono inta uu nool yahay diyaaradahooda.

- Advertisement -

Read more

Local News