Rasmi: Farmaajo oo safarkiisa ugu horreeyey ku tagaya mid kamid ah dalalka dariska ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Dhawaan magaalada Nairobi si rasmi ah uga furmi doono shir ay yeelanayaan Madaxda Urur Goboleedka IGAD  kaasoo looga hadli doono arrimaha xaqootiga Soomaaliya waxaana si rasmi ah kulankaas loogu casuumay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Shirkaan oo ahaa mid ay horey u iclaamisay dowladda Kenya ahna shir gaar ah oo ay yeelanayaan madaxda dowladaha ka tirsan IGAD waxaana diirada lagu saari doonaa Qaxootiga Soomaaliya maadaama dowladda Kenya ay dhawr jeer cabasho kasoo gudbisay qaxootigaas oo ay sheegtay inay dhibaato weyn ku hayaan.

Inkastoo madaxweynaha ay soo gaartya casuumaad rasmi ah oo shirkaan ah, haddana waxaa marti qaad kale u sameeyey madaxweynaha Kenya Uhura Kenyatta oo horey uga soo qeybgalay xafladdii lagu caleema saaray madaxweyne Farmaajo.

Hoggamiyaha aqlabiyadda badan ka heysto baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa xalay si rasmi ah uga sheegay xaflad lagu taageerayey dowladda cusub oo ka dhacday caasimadda Kenya ee Nairobi inuu madaxweynaha Soomaaliya Kenya soo booqan doono dhamaadka bishaan.

Wuxuu ballan qaaday inay si weyn usoo dhaweyn doonaan madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo wuxuuna ka dhawaajiyey inay dowladda Kenya wanaajin doonto xiriirka labada dowladood ka hor inta uusan madaxweynaha soo gaarin halkaas.

Casuumaadaan iyo ka qeybgalka shirkaan ka dhacayo dalka Kenya ayaa imaanayo xilli dhawaan maxkamadda ICJ ay go’aan ka gaartay dacwadii badda ee Soomaaliya iyo Kenya markaas oo Kenya laga codsaday inay jawaab deg deg ah kasoo bixiso dacwadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com