Hadal Siilanyo ka nixiyey oo kasoo yeeray wasiir ka tirsan Somaliland iyo heshiiskii Berbera oo qaab kale loo dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii ugu dambeeyey hadal heyntii ugu badneyd waxay ku saabsaneyd heshiiskii dhawaan dhexmaray maamulka Somaliland iyo dowladda Imaaraadka carabtay markaas oo gacanta loo geliyey Dekadda muhiimka ah ee Berbera.

Haddaba wasiirka Arirmaha dibadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay qalbiga ka jabiyey madaxweyne Siilanyo markii uu si aan la fileyn uga hadlay heshiiskaas dhex maray Somaliland iyo Imaaraadka.

Sacad Cali Shire oo saxaafadda la hadlay ayaa ka dhawaajiyey in heshiiskii dhex maray Somaliland iyo Imaaraadka aan lagu tilmaami karin mid sax ah, wuxuuna ku tilaamay qaab kale isagoo ku fasiray inuu heshiiskaas yahay isfagarad aan mudneyn in la ansixiyo .

Wasiirka ayaa ku nuux nuuxsaday inaan la aqbali karin inay Somaliland ay Berbera geliso gacanta dowladda Imaaraadka Carabta isla markaasna ay halkaas saldhig ka sameystaan.

Wuxuu duray heshiiskaas isagoo sheegay inaysan suurta gal aheyn in la taageero shaqsiyaadka horkacayo heshiiaskaas oo ku tilmaamay inaysan caqli laheyn iyo xisaabtan.

Heshiiska Berbera ayaa guux weyn ka dhex kiciyey siyaasiyiinta Somaliland ugu dambeyntiina way isku khilaafeen.

Hadalka kasoo yeeray wasiirkaan ayaa wadna xanuun ku noqonayo madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo la ogyahay in isaga iyo xisbigiisa ay laaluush gaarayo ilaa 50 Milyan oo Dollar ka qaateen dowladda Imaaraadka ka hor inta aysan heshiiska u saxiixin.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com