R/W Cabdiweli oo shaaciyey sababaha xilka looga qaaday SAMBALOOLSHE

London (Caasimada Online)-Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeeyay ka hadlay xil ka qaadista golaha wasiiradda xukuumadda ay ku sameeyeen agaasimihii hore ee hey’adda nabad sugida iyo sirdoonka dalka, Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe.

Isagoo la hadlaayay BBC-da ayuu ra’iisal wasaare Cabdi Sheekh Axmed wuxuu tilmaamay Sambaloolshe in xilka looga qaaday markii uu ku dhaqmay wax uu ku sheegay mas’uuliyad darro iyo ku xad gudub uu geestay xildhibaanno iyo wasiiro oo gurigooda uu weerarray.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa xarunta BBC ee NBH maanta uga waramay BBC, iyadoo uu hogaaminayay wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa xarunta BBC ee NBH maanta uga waramay BBC, iyadoo uu hogaaminayay wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay oo kale in dhaqanka uu ku kacay Sambalooshe in aysa muujineynin mid horrumar iyo nabad lagu gaari karo oo shaqadii hey’adda nabad sugida ceebeysa sida uu yiri.

Waa markii ugu horeysay oo ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya uu si cad ah u sheego taliyihii hey’adda nabad sugida in xilka loo qaaday dhaqan aan fiicneen oo uu la soo baxay.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ilaa hadda aan ku qancin xil ka qaadista safiirkii hore ee Soomalida ee dalka UK, waana labo nin oo isku dhow.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com