Maamul u hanjabay DF Somalia & IGAD

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxaa shir degdeg ah ku yeeshay xubnaha wasiiradda maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed iyagoona si qoto dheer uga hadlay shirarka ka socda magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo.

Wasiirka, Leesto ayaa warbaahinta u sheegay in kulankooda looga hadlay siddii ay dib ugu fiirsan lahaayeen dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo urur gobaleedka IGAD, wuxuuna arrin laga xumaado ku tilmaamay in madxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud uu booqdo Kismaayo isla markaana uu furo shirka dib u heshiisiinta ee Jubbooyinka.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha aaney iska warqabin isla markaana mid kasta uu muujinaayo siddii uu meel marin lahaa danihiisa.

Leesto ayaa tilmaamay in ay aad ula yaabeen markii madaxweynaha uu ka qeybgalay shirka Kismaayo halka guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisal wasaaraha ay iyana fureen shirka Baydhabo.

Labada shir ayuu sheegay in ay muujinayaan sida ay dowladda u diiddan tahay maamulkooda lixda gobal.

Wuxuu ku celceliyay haddii dowladda aaney ka laaban taageerada ay siineyso labada shir in ay xiriirka u jari doonaan dowladda Soomaaliya iyo ururka IGAD.

Ugu dambeen wuxuu tilmaamay dowladda iyo IGAD in ay dib u soo abaabulayaan dagaalladii sokeeye ee ka dhacay dalka 20kii sanno ee la soo dhaafay.

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com