Qorshe lagu dhisayo maamul cusub oo ay yeelanayaan Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Baladweyne ( Caasimada Online) – Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa maanta oo Khamiis ah ka dhacay dibadbax lagu taageerayo qorshe la doonayo in maamul goboleed loogu sameeyo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dibadbaxa oo ay soo qabanqaabiyeen ururrada bulshada rayidka ah ee magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka qeyb-galay boqollaal qof oo isugu jiray dhallinyaro, haween, odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, Xaaji Xasan Kulmiye Waasuge oo ka hadlay dibadbaxa ayaa sheegay inay taageerayaan qorshaha maamul u sameynta labada gobol, oo ay hormuud ka tahay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaji Xasan ayaa uga digay dowladda inay gobolka u soo magacowdo shakhsiyaad aanan ku imaan rabitaanka dadweynaha gobolka.

Wuxuu u jeediyay dowladda inay shacabka ku dhaqan gobollada maamulka loo sameynayo u madax-banneyso inay ka tashadaan aayahooda, isagoo dhinaca kale muujiyay inay oggol yihiin in maamul loo dhan yahay loo sameeyo labada gobol.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com