Garabka Barre Hiiraale oo beeniyay…

Kismaayo (Caasimada Online)-Kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamadii Barre Hiiraale uu la wareegayo maamulka kumeel gaarka ee Jubba, waxaa arrintaas gaashanka u daruuray garabka Barre Hiiraale.

Cabdirashiid Macallin Gaas oo ka tirsan golaha nabadda iyo midnimada Jubbooyinka ayaa sheegay in ciidamada Barre Hiiraale ee dhawaan laga keenay deeganka Goofgaduud in ay deggan yihiin goob gaar ah oo magaalada ku taalla wuxuuna intaas ku daray in aysan jirin ciidan lala wareegay ama ku biiray maamulka Axmed Madoobe.

“Wax xiriir ah lama lihim maamulka Kismaayo, annagu waxaan dagganahay goob gaar ah oo gaadid aan lee nahay ayaan ku adeeganaa umana baxno magaalada mana jirto ciidan lala wareegay” ayuu yiri Cabdirashiid Gaas.

Wuxuu sheegay oo kale in mowqifkooda uu cad yahay ee ku aadan shirka Kismaayo isagoona yiri annagu ma rabno shir ay wataan maamulka Kismaayo.

Hadalka Cabdirashiid Gaas ayaa immaanaya iyadoo magaalada Kismaayo la isla dhexmaraayo warar sheegaya ciidamadii Barre Hiiraale ee magaalada lagu soo xareeyay in uu la wareegayo maamulka Axmed Madoobe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com