Ciidanka Amisom oo laga mamnuucay degmo Muqdisho ka mid ah, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Degmadda Warta Nabadda ee Gobalka Banaadir, Yaasiin Nuur Ciise ayaa sheegay inaysan oggolaan doonin inay Gaadiidka AMISOM isticmaalaan Waddooyinka Degmadiisa, gaar ahaan Waddada Florence ee isku xirta Villa Somalia ilaa Garoonka Ciyaaraha ee Mogadishu Stadium.

Guddoomiyaha ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu Weriyayaasha ugu waramay Dibadbax ay dadka Deegaanka kaga cabanayeen gaari ay leeyihiin AMISOM oo duhurnimaddii maanta wiil yar ku jiiray Isgoyska Florence ee Degmadda Warta Nabadda.

“Gaadiidka AMISOM waa ka mamnuuc inay soo maraan Waddadan isku xirta Madaxtooyadda iyo Mogadishu Stadium ilaa ay war cad ka bixiyaan, isla markaana magdhow ka bixiyaan wiilka yar ee ay dileen ” ayuu sii raaciyey Guddoomiyaha, oo xusay inuu Maamulkiisa ka xun yahay falkaasi.

Guddoomiyaha waxa uu tilmaamay inuu gaarigu wiilka ku jiiray daadega Isgoyska Florence, meel ku dhow Dugsigii Sare ee 15-ka May, isagoo xusay inuu gaariga AMISOM xawli ku socday, una istaagin wiilka ay jiireen.

Dhinaca kale, Ilaaladda Madaxtooyadda ayaa iyagana rasaas kor u ridayey, si ay u kala cayriyaan boqolaal dibadbax oo ka cabanayey AMISOM.
Xaalladda ayaa haatan deggan, waxaana dibadbaxayaasha lagu qanciyey in wax laga qaban doono shilkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com