Prof. Abdi Samatar oo qeexay ujeedka Kenya ka leedahay Badda Soomaaliya

Minneapolis (Caasimada Online ) – Prof Cabdi iimaaciil Samatar oo si weyn uga hadla arrimaha Soomaaliya ayaa ka warbixiyay ujeedooyinka fog ee Xukuumadda Kenya ay leedahay Muranka ay ka furtay Biyaha Sharciga ah ee Soomaaliya.

Prof.ka ayaa sheegay in Keenya oo muddo dheer ku hamiyaysey sidii ay ula wareegi lahayd Biyaha Soomaaliya ayaa sheegay in hadda uun Indhaha ay ku kala furtay Dacwaddii Soomaaliya u gudbisey Maxkamadda Sare ee Caalamka.

Kenya ayaa waxa ay wadataa qorshe ay ku doonayso in qaybo ka mid ah Biyaha Soomaaliya ay la wareegto iyadoo ka faa’ideysanaysa kala daadsanaanta iyo burburkii Soomaaliya ka dhacay.Samatar ayaa intaa ku daray in Madaxda Soomaalida ee haatan jirta ay yihiin waa siduu hadalka u dhigaye kuwo aan aqoon buuxda u lahayn arrintan keliyana ay yihiin kuwo ku mashquulsan sidii ay Kursiga ugu fariisan lahaayeen hase yeeshee Xukuumadda Kenya ay tahay Xukuumad jirta wax badana kala socota Xeeka Badaha Adduunka.

Ujeedka Dhabta ah ee Keenya ka leedahay Biyahas ayuu sheegay Cabdi ismaaciil in halkaas laga helayo Kheyraad fara badan oo dabiici ah oo uu Kalluunka ka mid yahay iyo Macadanaha kala duwan.

Siyaasigan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Kenya ay ogaatay haddii Dacwadda Somaaliya ay gaarto Maxkamadda Caalamiga in Kenya ay u soo harayso Dhul Biyood aad u kooban sidaa darteedna ay doonayso ama ay isku taxlujinayso sii arrinta Biayaha loogu dhamayn lahaa Xeer Jajab Soomaaliyana looga dhaadhicin lahaa in si Walaalnima ah arrintaas lagu saxiixo taasoo haddii Soomaaliya Saxiixaas laga helo uusan dib dambe u soo laaban doonin Dhul Biyoodka Soomaaliya sharci ahaanta ay u leedahay.

Caasimada Online

Xafiiska Minneapolis

Caasimada@live.com