Beesha Ilka Xanaf oo diiday qorshe ay wataan Xasan Sh & Faarax C/Qaadir

Muqdisho (Caasimada Online)- Kaddib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu ka codsaday guddoomiyaha maxkamadda qaranka, Abukaate Ceydiid Ilka Xanaf in uu xilka ka tago, waxaa arrintaas si weyn uga hadashay beesha Dir ee uu ka soo jeeda Ilka Xanaf gaar ahaan beesha Isaaq.

Suldaan Ceyduruus Suldaan Saalax Suldaan Ibraahim oo ka mid ahaa salaadiintii wax ka soo xulay baarlamaanka Soomaaliya isla markaan ay isku qabiil yihiin guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, ayaa tilmaamay in madaxweynaha iyo wasiirka garsoonka Faarax Sheekh Cabduqaadir ay wadaan qorshayaal ay ku faragalinayaan hey’adda garsoorka oo ah kuwa madax banaan.

Wuxuu ka codsaday madaxweynaha in uu ka laabto go’aanka uu Ceydiid Ilka Xanaf uu uga codsaday in uu ku soo wareejiyo warqadda istiqaaladiisa si loo magacaabo ruux badala.

Suldaanka ayaa tilmaamay in abukaate Ceydiid Ilka Xanaf uu yahay qof da’ ah oo aqoon iyo xirfad u leh hey’adda garsoorka dalkana wax badan u soo qabtay isagoona intaas ku daray in uu xilka hayo uu ku matalaayo beesha uu u dhashay oo haddaba ay shan ama lix kursi ay uga maqan tahay dowladda sida uu hadalka u dhigay.

Suldaanka ayaa sidoo kale daaha ka qaaday in markii meesha laga saaray xeer ilaaliyihii qaranka in madaxweynaha uu u soo jeestay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalkaas taasna wuu ku tilmaamay mid ayaan darro ah.

Beesha uu ka soo jeedo Ilka Xanaf oo ka soo horjeestay qorshe ay wataan Xasan Sh & Faarax C/Qaadir
Beesha uu ka soo jeedo Ilka Xanaf oo ka soo horjeestay qorshe ay wataan Xasan Sh & Faarax C/Qaadir

“Ninkaas weyn ee 100-sanno jirra shaqadiisa haloo daayo, teeda kale Garsoorka halaga daayo faragallinta” ayuu yiri Suldaanka Ceyduruus.

Wuuxu intaas ku daray in guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka iyo beeshiisa ay marar badan is hortaageen mooshin ka dhan ah madaxweynaha oo lagu doonayay in xilka looga qaado sida uu hadalka u dhigay.

Haddii warkan uu xaqiiqo noqdo waxaa muuqata in xisbiga madaxweynaha ee Dam-Jadiid oo ay ka tirsan yihiin madaxweynaha iyo wasiirka garsoorka ay doonayaan in ay la wareegaan hey’adda garsoorka dalka.

Waxaa sheegis mudan in guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada Cabdiraxmaan Tuur-yare iyo xeer ilaaliyaha cusub ee qaranka labadaba ay ka tirsan kooxda Dam-Jadiid.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com