Colonel Barre Hiiraale oo ku wajahan Garbahareey & xog laga helay ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar la isku haleen karo ayaa sheegaya in korneel Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) uu ku wajahan yahay Magaalada Garbahaareey ee gobalka Gedo, halkaasoo 20-ka bishan oo ku beegan maalinta berri ah uu ka furmaayo shirweyne looga hadlaayo aayaha gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Shirkan oo ay qaban qaabidiisa lahaayeen xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobalka Gedo ayaa looga hadli doonaa shirka ka furmay Kismaayo iyo saamiga ay ku lahaan karaan beelaha deggan gobalka Gedo maamulka Jubba.

Barre Hiiraale oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in maanta ama berri uu gaaro Garbahaareey si uu uga mid noqdo shirka halkaas ka dhacayay sida ay lee yihiin ilo xog ogaal ah oo la hadlay Caasimada Online.

Sida qorshaha uu ahaa shirkan ayaa la qaban lahaa ka hor shirka Kismaayo oo horrey loo iclaamiyay 1-da bisha soo socota balse 16-kii bishii hore uu  waxaa ka socota qaban qaabada shir dib u heshiisiin oo ay yeelanayaan beesha Sade, waxaana lagu wadaa shirkaas in uu ka qeybgalo Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale).

Qaban qaabayaasha shirka ayaa sheegaya in shirkan horey loogu dhawaaqay si ay uga soo qeybgalaan odayaasha, xildhibaannada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobalka Gedo ee ku sugan Nairobi, Itoobiya, Xamar iyo meelo kale oo dalka ka mid ah.

Ma cadda wax yaabaha keenay shirkan xilli shir kale oo dib u heshiisiin oo uu furay madaxweynaha uu ka socdo magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com