Dowladda Somalia oo warar khuseeya Khaatumo si caajiba uga shanqarisay

London (Caasimada Online)-Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo isaga iyo wafdii uu hoggaaminaayo ay ku sugan yihiin magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa la weydiiyay bal sida uu hada uu arko duulaanka ciidamada Somaliland ay ku qaadeen maamulka Khaatumo oo doonaya in Soomaaliya ay mid ahaato.

Wuxuu sheegay in dadka deganna Sool, Ceyn iyo Sanaag oo uu ka dhisan yahay maamulka Khaatumo in xiriir fiican uu kala dhexeeyo dowladda oo ay xittaa xildhibaano ku lee yihiin baarlamaanka.

Ra’iisal wasaaraha oo u warramaya Idaacadda Dowladda ayaa sheegay in cid kasta oo maamul dhisaneysa in ay soo dhaweenayaan xaqna u lee yihiin dadka deggan gobaladaas in ay maamul sameestaan balse wuxuu yiri waxaa looga baahan yahay in ay waxooda iyaga xal ka gaaraan.

Waxaa la weydiiyay xiriirka Somaliland iyo dowladda fedaraalka, wuxuu tilmaamay in weli wadahadallada labada dhinac ay socdaan isla markaana Soomaalida meel kasta oo ay joogaan aanu kala maarmin balse laga warsugaayo natiijada ka soo baxda wadahadallada.

Ra’iisal wasaaraha mar la weydiiyay doorka saxaafadda Soomaaliya, wuxuu sheegay in saxaafadda Soomaaliya ay gaartay meel sare loona baahan yahay in aan la caburin oo aan lagu dhibin shaqadooda sida uu yiri.

Wuxuu sheegay xilliyadii hore in gaari cod baahiye uu ku rakiban yahay lala aadi jiray goballada balse maanta isagoo ku sugan London adduunka dhan hal mar codkiisa laga daawaan karo ama laga dhageesanaayo.

Waa markii ugu horreysay oo ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya uu ka hadlo dagaallada ka dhacay deeganka Saaxdheer ee gobalka Sool halkaasoo ciidamada Somaliland ay ka qabsadeen maamulka Khaatumo ee uu madaxweynaha u yahay Cali Khaliif Galeyr.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com