Hoolka shirka Kismaayo ka socda oo la faarujinayo & Shir kasoo horjeeda oo..

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka laga helaayo Dagmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo qabanqaabada shir la sheegay in looga soo horjeedo kan ka socda Magaalada Kismaayo.

Shirkaani ayaa la sheegayaa in 20 ka bishan uu ka furmi doono dagmada Garbahaarey, iyadoona lasoo warinaayo in halkaasi ay kusii qulqulayaan Wufuud isugu jirto Siyaasiyiin,ganacsato iyo waxgarad ka gadooday shirka xiligaani ka socda Magaalada Kismaayo oo uu Hoggaaminaayo Hoggaamiyaha Maleeshiyada Raaskambooni Axmed Madoobe.

Aqoonyahaan Maxamed Aadan Cali oo kamid ah dhalinyarada kasoo Jeeda Goboldaasi islamarkaan Shirkan wax ka wada ayaa sheegay in looga soo horjeedo shirka ka furmay Magalada Kismaayo ee xarunta Gobolka jubbada hoose ee looga hadlayo aayaha jubbooyinka.

Sidoo kale, waxa uu Tilmaamay in shirka uu u dhici doono sidii loogu tallo galay, waxa uuna Carabka ku dhuftay inay kasoo qeybgali doonaan Siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo gadooday Shirka hadda ka socda Kismaayo.
Dhanka kale, Qabsoomida Shirkan ayuu sheegay mas’uulkan in uu ahaa qorshe horey loodajiyey oo ujedkisu ahaa ku sixida khaladadka kasoo baxa Shirka Kismaayo.

Shirka ka furmay Magalada Kismaayo ee xarunta Gobolka jubbada hoose ee looga hadlayo dib u heshiisiinta dadka daga Goboldaaasi ayaa waxaa daah furay Madaxweyne Xasan Sheikh, waxaana jira warar is Khilaafsan oo sheegaya in inta badan ay ka baxeen Beelihii degnaa Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com