Col. Barre Hiiraale oo lagu yiri “Xilligii qabqable-nimada waa dhammaatay”

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Axmed Madoobe ayaa ka hadlay qaadacada uu Barre Hiiraale ku sameeyay shirka ka socdo Kismaayo, waxaana ay sheegeen in Barre Hiiraale maqnaanshiyahiisa shirka dib u heshiisiinta aanu wax saameen ah ku yeelan doonin.

Wasiirka warfaafinta maamulka kumeel gaarka ee Jubba, Ibraahim Baajuuni oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhammaan beelaha deggan Jubbooyinka iyo Gedo oo gaaraya 38-in dhammaan ay ku sugan yihiin shirka oo ay ka soo qeybgaleen.

Wuxuu sheegay in Barre Hiiraale uu yahay shaqsi isla markaana wax saameen ah aanu ku yeelan doonin shirka ka qeybgalkiisa.

Ibraahim Baajuuni ayaa carabka ku adkeeyay in weli uu fursad heesto Barre Hiiraale si uu uga soo qeybgalo shirka Kismaayo haddii kale aan loo hakin doonin.

Wuxuu sheegay in xilligii qabqabnimada ay dhammaatay oo Barre Hiiraale loo baahan yahay in uu qaato nabad oo dadkiisa uu raaco haddii kale laga tashan doono sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka wasiirka warfaafinta maamulka kumeel gaarka ee Jubba ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan Barre Hiiraale uu qaaday shirka dib u heshiisiinta ee maalintii 4-aad ka socda magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com